Qarax ay Ku Dhinteen Dad Shacab ahaa oo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo Shalay ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay Deegaanka Muuri ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay inoo xaqiijieyeen goobjoogayaal qaraxa ayaa qabsaday Mooto kuwa Fekon loo yaqaano oo halkaas maraysay.

Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku dhimatay oo shacab ahaa,waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay daqiiqado ka hor maray Gaari ay leeyihiin Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa ka dhacay Deegaanka muuri ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here