Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ayaa saakay mar kale waxa ay dibadbax ka dhigayaan wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wadayaasha ayaa gaadiidkooda ku gooyay Isgoysyadda Km4 iyo Km5,waxayna ka cabanayaan in aysan heysan waddo ay maraan,islamarkaana laga qaado Canshuur Joogto ah.
Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ayaa idaacadda Simba u sheegay in maalintii shalay aheyd ay dibad dhigeen,balse aan cabashadooda laga jawaabin,sidaas darteed ay saakay mar kale dhigeen Dibadbax kale.



