Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo ka Degmadda Qoryooley.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Tuuladda Abiikarow Degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana ku dhaawacmay xubno maamulka ka Tirsan.
Xubnaha qaraxa ku dhaawacmay ayaa kala ah guddoomiye ku-xigeenkii Amniga degmadda Qoryooley Cabdi Axmed, xoghayihii degmadda oo magaciisa lagu soo gaabiyay Laqamow iyo Weriye lagu magcaabo Saalax Kalgacal.
Guddoomiyaha Gobolka Ibraahim Cali Najax oo ka mid ahaa xubnaha qaraxa lala beegsaday, kana badbaaday ayaa qirtay in jidka loo dhigay miino ayna ku qaraxday iyagoo ka digtoon, lakiin wuxuu sheegay in afar ka mida ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen, iyadoo qaraxa uu ka dhacay Degaanka Baladul amiin ee u dhow Shalanbood.
Al-Shabaab ayaa maalmahaan kordhiyay qaraxyadda ay ka fuliyaan Goboladda Shabeelaha hoose iyo Dhexe.

