Al-shabaab oo Sheegay in Muqdisho Ku Dileen Laba Xidigle Cabdi Deeq

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Dilka Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Ilaalada Madaxtooyada Villa Somalia.

Dilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.

Sida ay baahisay warbaahinta Shabaab, rag ka Tirsan Shabaab ayaa fuliyay dilka sarkaalka oo lagu magacaabi jirey Cabdi Deeq, wuxuuna ahaa Laba Xidigle.

Al-shabaab ayaa maalmahaan kordhiyay dilalka ay ka fuliyaan magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here