Al-shabaab ayaa sheegay in ay dileen 14-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in weerar dabagal ahaa oo ka duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay ciidamadda Burundi.
Ciidamada Al Shabaab ayaa sidoo kale dagaalkaas ku soo ganiimeystay hub, rasaas iyo saanad ciidan oo ay ka carareen ciidamada Burundi waxaana la sheegay inay dib ugu noqdeen xerada Gololeey ee ay markii hore ciidamadaas laga soo diray.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay idaacadda Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo Burundi ah, kuwaas oo todobo ka mid ah meydadkooda looga cararay goobtii lagu dagaalamay.
“Annaga ayaa indhaha saarnay meydadka todobo ka mid ah ciidamada Burundi, welina waxay yaallaan halkii lagu dagaalamay” sidaas waxaa warbaahinta Shabaab u sheegay sarkaal ka mid ah ciidamada Al Shabaab.

