Shabaab oo Guryahooda Kala Baxay Mas’uuliyiin, Haweeney Ku Jirto Kadibna Dilay!

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in saakay Gudaha Degmadaas lagu arkay meydadka 3- xubnood oo la shaqeynayay Maamulka.

Saddexda qof oo mid kamid ay haweeney ahayd, ayey sheegeen dadka degmada Beledxaawo in xalay lagu weeraray guryahooda lagala soo baxay,kadibna la dilay.

Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Cali Kaynaan oo qaabilsanaa waaxda maaliyadda degmada, Xuseen Shariif Cabdille oo ahaa Gudoomiye Waaxeed iyo Xabiibo Cabdiraxman Cali (Xaybo Ladan) oo kamid aheyd Ururka Haweenka maamulka Jubbaland ee degmada Beledxaawo.

Mas’uuliyiin ka Tirsan mamulka Degmadda aanu la hadalnay ayaa inoo sheegay in Shabaab ay ka dambeeyeen falkaan,isalamarkaana lagu raadjoogo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here