Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa bilaabaya la Xisaabtanka Xukumadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo ku guuldareysatay Sugidda Amniga Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyto Jowhar.
Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo ka Tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo la hadlay daacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in amniga Hir-shabeelle uu faraha ka baxay.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay joojiyeen Mashariicdii ka socotay Hir-shabeelle,islamarkaana ay kordhiyeen beegsiga Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-shabelle ee ku safarta Wadada Muqdisho iyo Jowhar.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Xildhibaanka in ay bilaabi doonaan la xisaabtanka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Xukuumadiisa.

