Qaraxyo Laga Cabsi Qabo in ay Ka Dhacaan Meelo Kamid ah Muqdisho!

0

Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyay amaanka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wadada Maka Al Mukarama, gaar ahaan Laami yaraha Zoobe,nawaaxiga trapiano iyo qeybo kamid ah magaaladda Muqdisho ayaa lagu arkayaa saakay ciidamo fara badan,kuwaasi oo si adag u hubeysan.

Sirdoonka reer Galbeedka ee ku sugan xarunta Xalane ayaa sheegay 48-Saac ee soo socota al-Shabaab inay gaysan rabaan weeraro ayna la beegsan rabaan xarumo ay ka mid yihiin Xarunta Dambi Baarista Booliska ee C.I.D loo yaqaan, Koontarool Isgoyska dabka ku yaal iyo Nawaaxiga Xeebta Liido halkaas oo dadka isugu tagaan xiliyadda galabtii iyo habeenkii.

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadda amaanka ay xili walba diyaar u yihiin sugidda amniga magaaladda Muqdisho.

Al-shabaab ayaa Magaaladda Muqdisho ka geystay dhowr weerar kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here