DFS oo Gurmad u Fidisay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Awdheegle

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista geedka loo yaqaano(Cali-Garoobka) ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle ee Gobolka Jubadda Hoose.

Al-shabaab ayaa shacabkii waday jarista geedaha iyo nadaafadda  ku qarxiyay miino nooca Remote control ah oo meelaha fog fog laga hago 4tii Bishan,taas oo sababtay dhaawaca 7ruux oo shacab ah,ayadoo hal ruux ugu dambayntii uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay in dadkaasi ay gurmad deg deg ah ka heleen dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka ka saaran shacabka Soomaaliyeed ayaa dadkii shacabka ahaa u fidisay gurmad caafimaad,waxayna diyaarad kaga soo daad guraysay degmada Aw-dheegle,kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here