Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo Ku Wajahan Magaaladda Baydhabo.

0

Wafdi uu hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku wajahan magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Raisulwasaaraha ayaa laga dareemayaa Magaaladda Baydhabo,waxaana sawiradda Kheyre lagu dhajiyay wadooyinka Magaaladda.

Raisulwasaare Kheyre inta uu ku sugan yahay magaaladda Baydhabo waxaa dhagax dhigi doonaan Mashaariic horumarineed oo loogu tala galay in lagu hormariyo adeegyadda bulshadda,wuxuu sidoo kale booqan doonaa Gobolka Bakool.

amaanka magaaladda Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amniga sugaya ciidmadda AMISOM, iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here