Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qorshihii ay dowladda Kenya ku doonaysey in la hakiyo dhegaysiga kiiska dacwadda ee badda.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyr oo ka hadlayay Kulanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay inaysan aqbali karin codsiga Kenya maadaama dacwaddu ay muddo 5 sano ah hortaal maxkamadda ICJ.
Sidoo kale Wasiiru dowlaha waxa uu sheegay inay ku kalsoon tahay qaadista dacwada Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayna rajaynayaan inay guul ka soo hoyiyaan dacwaddaan oo muddo soo jiitamaysey.

