Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ku waramaya In dib u dhac uu ku yimid shirkii Dib u Heshiisiinta Galmudug.
Shirka ayaa lagu waday in maanta Furmo balse waxaa la sheegay in cilado farsamo u baaqday.
Lama oga xiliga sida rasmiga ah u furmi doono shirka dib u Heshiisiinta Galmudug.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa lagu waday in maanta uu furo shirka sida qorshaha ahaa.

