Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa mar kale loo doortay Axmed Maxmed Islam “Axmed Madobe”.
Axmed Madoobe ayaa ka guuleystay ilaa iyo labo musharrax oo kula tartamay doorashada, waxaana ay tani ka dhigan tahay in markii labaad loo doortay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa waxa uu helay 56 cod oo kamid ah codadka xildhiinada codeeyey oo gaarayey ilaa iyo 74 xildhibaan, Canab maxamed Daahir oo kamid aheed musharixiinta heshay 17 cod, halka Maxamud Maxamed Cumar “Kuulow” uu haley kaliya 1 cod.
Canab Maxamed Daahir oo ka hadashay doorashada sida ay udhacday ayaa sheegtay in ay aheed mid xor iyo xalaal ah ayna la shaqeyn doonto Axmed Madoobe.
Maxamuud Maxamed Cumar ayaa dhankiisa uhambalyeeyay Axmed Madoobe waxaa uu balan qaaday inuu la shaqeyn doono shacabka Jubbland ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyan.
Guddiga doorashada ayaa goobta ku dhaariyay Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).