Dorashada Madaxwaynaha jubbaland ayaa Goordhow ka bilaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose , waxaana hawlka doorashada ku sugan dhamaan Musharixiinta utartameysa Xilka Madaxwaynaha Jubbaland.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxwayanaha Jubbland ayaa shaaciyay inay Xildhibaanada dowlad goboleedka Jubbaland dhamaantooda ay ku suganyihiin hawlka, codeyntana ay toos ubalaabatay
Waxaa xilka Madaxwaynaha utartameysa ilaa Afar Musharax ay midi Haweneuy tahay, waxayna kala yihiin.
1. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)
2.Maxamuud Maxamed Cumar (Kuulow)
3.Maxamed Cumar Geedi
4.Canab Maxamed Daahir
Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo gaaraya 74 Xildhibaan ayaa lagu wada inay codeeyan, waxaana Guddiga doorashada ay sheegen in hadii wareega koowaad lagu kala bixi waayo la isla aadi doono wareeg labaad.