Dhageyso:-Xildhibaan Dalxa”Xildhibaano kor udhaafaya 90 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin ka dhan ah kenya”

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa wada diyaarinta Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka gaar ahaan deenagada uu ku aramiyo Maamulka Jubbaland.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xidhibaanadda Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Ciidamada kenya ee qaybta ka ah Ciidamada AMISOM ,waxaa uu sheeegay in Xildhibaanada ay doonayaan  in dalka ay ka baxaan ciidamada kenya.
Sidoo kale Xildhibaan Dalxa oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in dowladda Kenya ay faragalin qaawan ku heyso Soomaaliya,waxuuna xusay in Mooshinka ka dhan ah Ciidamada Kenya ay saxiixeen Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano kor udhaafaya 90 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshibnka ka dhanka ah Ciidamada Kenya, islamarkaana ay hor geyn doonan Golaha Shabka marka uu furmo.
Ciidamada dowlada Kenya ayaa ku sugan degmooyin iyo deeegano ka tirsan Jubbland ,waxaana lagu eedeeyanaya in faragalin qaawan ay ku heyso Kenya Doorashada Madaxwaynaha Jubbland oo lagu wado in maalinka Khamaiista ah ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

120103_002

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here