Maamulka Degmadda Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa la sheeey in uu diidey in ay gudaha usoo galan degmada odayaal dhaqameed lasoo kulmay Madaxda Al-shabaab.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in loo diiday in ay gudaha Magaaladda galaan,kadib markii ay kulamo lasoo qaateen madaxda Shabaaab ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Gedo.
Nabadoon Idiris Axmed Maxamed oo kamid ah waxgaradka Degmada Baladxaawo ayaa sheegay in loo diiday in ay gudaha u galaan Magaaladda,kadib amar kasoo baxay Maamulka Degmadda.
Waxa uu sheegay in sababta loogu diiday Magaaladda ay tahay kadib markii ay lasoo kulmeen Madaxda Al-shabaab.
Arintaan ayaa imaanaysa xili Al-shabaab ay dhawaan u yeereen qaar kamid ah ergooyinkii soo doortay Xildhibaanadda,waxaa jirey amar kasoo baxay Maamuladda Degmooyinka.

