Madaxwaynaha Maamulka Koonfur galkbeed Soomaaliya Cabdicaziiz Maxamed Lafta-gareen ayaa sheegay in Ciimada Xooga dalka qaybtooda 60aad ee ka hawlaga deeganada Koonfur Galbeed ay yahiin kuwa aad uliito.
Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayuu sheegay inay yihiin kuwa ku mashquulsan qabyaalad iyo shaqooyin aan loo dirsan, waxuuna ku eedeeyay inay ka qayb qaateen dilal dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Cabdicaziiz Maxamed Lafta-gareen ayaa ciidamada Xooga dalka waxaa uu uga digay inay ka qayb qaatan dagaal beeledyada ka dhaca Koonfur Galbeed, waxuuna ugu baaqay inay gutaaan waajibaadka saaran islamarkaa ay qabtaan shaqooyinka loo igmaday.
Hadalka Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Lafta-Gareen ayaa iimaanaya xili Ciidamo ka tiran kuwa Xooga dalka qaybta 60aad lagu eedeeyay dilal dad shacab ah loogu geestay duleedka iyo gudaha Magaalada Baydhabo.

