War Deg Deg:-Deeqow oo Goordhaweyd Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaiyeed ee (NISA).

Dilkaan ayaa ka dhacay Agagaarka Masaajidka Dhagaweyne oo u dhow Isgoyska Maana Booliyo ee degmada Shibis.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag hubeysnaa ayaa toogtay sarkaalka oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Deeqow,waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay ragii dilka fuliyay.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay,waxaana halkaasi ka soo qaadeen meydka askariga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here