Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey ee Gobolka Jubada Hoose.
Duqeynta ayaa lala beegsaday Xalay Saldhig ay ku shirsanaayeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-shabaab,waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac sida laga soo xigtay Saraakiisha Dowladda.
Xubnaha Shabaab ee shirka joogay waxaa kamid ahaa, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan.
Duqeynta ayaa la sheegay In lagu dilay In ka badan 15-kamid ah Al-shabaab, kuwaasi oo isugu jiray Saraakiil iyo dagaalyahno ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

