Qaar kamid ahaa Musharixiintii u taagan Xilka Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa galabta shaaciyay in ay ka Tanasuleen u tartamidda Xilka Madaxweynaha maamulkaas.
Ilaa 5 Musharax ayaa ka haray Tartanka kuwaasi oo kala ah 1- Maxamed Aadan fargeeti, wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya 2- Eng. Saalax Sheekh Cismaan, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya 3- Xasan Macallin, xildhibaan hore oo federaalka ah. 4- Yuusuf Baadiyow, xildhibaan hore oo federaalka ah 5- Musharrax Xuseen Kushuk
Shir Jaraaid ay ku qabteen magaaladda Baydhabo ayay ku sheegeen inay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo xubin ka ah Golaha Isbadal doonka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Golaha Is bedel doonka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay isugu jireen siyaasiyiin horay xilal wasiir uga soo qabtay dowladda Federaalka iyo rag ka soo shaqeeyay hey’adaha caalamiga

