Wararka ka imaanaya degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in Nabadoona ku dhaqan deegaanadaasi ay bilaabeen iney ka qaxaan Magaalada iyo deegaanada hoos yimaada.
Nabadoon idiris oo kamid ah odayaasha degmada baladxaawo ayaa Idaacada Simba u sheegay in kadib dilkii Nabadoon dhaqane Qaasim oo caan ka ahaa degmada, nabadoona halkaasi ay bilaabeen iney ka cararan degmada, maadaama aysan jirin Xiligan nabadoon si nabad ku jiifta guryahooda.
Nabadoon Dhaqane ayaa waxaa gudaha Baladxaawo shalay ku dilay Xoogag taabacsan Al shabaab, oo nabadoonka ku eedeeyay inuu la shaqeyn jiray maamulka degmada iyo kan Taliska ciidamada Itoopiya.
Dhageyso Codka: Nabadoon Idiris Oo Arintaasi Ka Hadlaya

