Dhacdo Argagax Leh: 15 Jir Sun Ku Dhishay Ayeeydeed Duleedka Kismaayo (Daawo Sawirro)

0

Naciimo bashiir waa Gabar da’adeeda lagu qiyaasay 15 Sanno jir, taa oo sabab u noqotay iney galaafato nolasha Ayeeydeed oo ay ku wada noolaayeen deegaanka Goobwayn ee duleedka magaalada Kismaayo.

Allaah ha u naxariistee ayeeydaas ayaa lagu magacaabi jiray Dahabo Maxamed,waxeyna u dhimatay sun ay cuno ugu dartay gabar yar oo ayeeyo ay u aheyd, sida dadka deegaanka ay Simba u sheegeen.

Guddoomiyaha deegaanka Goobwayn Cumar Cabdulaahi Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay Gabadh da’adeeda lagu sheegay Ilaa 15 Sanno jir oo lagu magacaabo Naciimo bashiir in deegaanka Goobwayn ee duleedka magaalada Kismaayo ay ku Sumaysay ayey-deed hooyo oo la odhan jiray Dahabo Maxamed ka dib markii ay Ayeydeed Canaanatay gabadha, sida gudoomiya uu sheegay.

Sunta ay isticmaashay gabdha ayaa la sheegay iney kasoo iibisatay Dukaan ku yaalla deegaanka Goobwayn ayna ugu dartay cuno ay cuntay ayeeydaasi oo Saacado ka dib geeriyootay.

Falkan argagaxa leh ayaa dad badan aad ugu yaabiyay gaar ahaan waalidiinta canaanta caruutooda, in hadii caruurta waxaan maqlaan in ay u isticmalan waalidiintooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here