Xildhibaan Jeesow Oo Sheegay Cida Al shabaab U Fududeysay Qarax Lagu Khaarijin Rabay  

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka hadlay cida Al shabaab kala shaqeysay qarax la doonayay maanta in lagu Khaarijiro oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay mid kamid ah baraha bulshada, kaga hadlay qarax maanta lagu xiray gaarigiisa.

“Waxaan nafteyda u huray qaranka, qarax iyo weerar laygu soo qaado waa waxaan u soo bareeray oo marna baqdin iguma beereyso” ayuu yiri.

Dhanka kale Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa yiri

“Marar badan ayan ka badbaaday shirqoollada cadawga Shabaab laakin kan maanta ee qaraxa gaarigeyga laygu xiray laga yaabee Qorsheynta inuu Cadawga yeesho hasayeeshee waa lagala qeyb qaatay ciddey doontaba ha noqotee oo waa loo fududeeyay sida muuqata kamana hordhacayo baaritaanka” ayuu ku yiri war uu kusoo qoray bartiisa baraha bulshada.
Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qarax lagu xiray gaariga Xildhibaaan Jeesow oo dhaawac culus uu kasoo gaaray mid kamid ah Ilaalada Xildhibaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here