Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaarigiisa Loogu xiray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama.
Sida naloo xaqiijiyay qaraxa marka uu dhacay Daahir Amiin Jeesow ayaa ku jirey Carwo ku taalla wadada Maka Al-Mukarama.
Inta la xaqiijayay waxaa qaraxa ku dhaawacmay darawalka gaariga & ruux kale oo Xildhibaanka la socday.
Goobta qaraxa ka dhacay waxaa soo gaaray Ciidamadda amanka Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo gabi-ahaanba xiray wadada.
Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

