Dhawaaqa Rasaas Culus ayaa laga Maqlay qeybo ka mid ah Magaalada Laascaanood oo ay ka mid yihiin labo Saldhig oo ciidanka Soomaaliland ay ku leeyihiin Xaafado dhowr ah oo ku yaal magaaladaasi.
Maamulka Gobalka Sool ee Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey Weerar Ciidan Beeleed taageersan Puntland ay ku qaadeen Saldhigyo ee Soomaaliland ay ku leeyihiin Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobalka Sool.
Gudoomiyha Gobalka Sool Abuukar Cabdi Geelle oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in dadka Deegaanka oo is abaabulay ay Weerareen Saldhigyada Ciidanka Soomaaliland ee Magaalada Laascaanood halkaasi oo uu xusay inay ku xiran yihiin Dad rayid ah oo ka soo jeeda Puntland.
Goobaha la Weerarey waxaa ka mid ah Saldhiga Wadnaha oo ah meel aad loo ilaaliyo waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay Weeraradaasi lagu qaaday Saldhigyada Ciidamada Soomaaliland.
War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu Sheegay in Ciidamada gaarka ah Maamul Puntland ay Weerar Qorshaysan ka fuliyeen Saldhigyo Ciidanka Soomaaliland ka sameysteen dhowr sano ka hor.
Halka Hoose Ka Dhageyso Codka: Gudoomiyha Gobalka Sool Abuukar Cabdi Geelle

