Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa laamaha Amniga Qaranka ugu Baaqay inay Sameeyaan Qorshe Cad oo wax looga Qabanayo Dilalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho, ayadoo lagu jiro bil barakaysan oo loo hanweynaa in Shacabka nabad ku soomaan kuna afuraan, balse taabadalkeeda ay muqdisho ka dhaceen Dilaal Bartilaamaameed ah oo ay fuliyeen Kooxo Bastooladdo ku hubeysan.
Daahir Amiin Jeesoow ayaa Sheegay inay dilalka ka dhacay muqdisho ay muujinayaan inay jiraan kooxo u oomaan daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed waxaana uu xusay in Shacabka looga Baahan yahay inay tuusalle u qaataan falaalka dhacaya muqdisho iyo dad la beegsayo.
Waxaana uu laamaha amniga ka dalbaday inay qaadaan Tilaabooyinka lagu Bartilmaameedsanayo Goobaha ka laga soo abaabulayo dilka, islamarkaan ay ka soo amar qaataan Kooxa Dilaayaasha ah.
Intii lagu jiray Bisha Ramadaan magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay saraakiil, askar, xubno katirsanaa maamulka gobalka banaadir iyo kan dowladda iyo shacab odayaal dhaqmeedyo oo iskugu jira Dhalinyaro iyo daqow, walina hal ruux aan loo qaban dilalka is daba jooga ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Dhageyso:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo La Hadlay Radio Simba

