Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Military-ga Itoopiya Iyo kuwa Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnayeen ciidamo katirsan kuwa maamulka kooufr galbeed iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Ciidamada itoopiya ee ku sugan degmada degmada Waajid ee gobalka Bakool.
Warar ka madax banan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay, maadaama uu ahaa dagaalka mid xoogan.
Masuul katirsan maamulka degmada Waajid oo ka cudur daartay in magaciisa loo adeegsado qalabka warbaahinta ayaa Simba u xaqiijiyay jiritaanka dagaalka, waxuuna sheegay inuusa jirin khasaare soo gaaray Ciidanka maamulka koofur galbeed iyo kuwa dowladda, balse uusan ka warbixi karin inuu jiro khasaare gaaray ciidanka military-ga itoopiya ee ka qeyb ahaa weerarka ka dhacay degmada Waajid.
Al-shabaab war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerarka ay ka danbeeyeen xoogaga Xarakada, sido kale ay ka qeyb ahaayeen dagaalka gadiidka dagaalka ee ay adeegsadaan dagaalyahanada Al-shabaab.
Sarkaal katirsan ciidanka dowladda ee degmada Waajid oo xiriiro ay la sameysay Simba si wax looga weydiyo xaalada iminka sida ay tahay ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Itoopiya ay wadaan sakay howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga, iyo daba galka ragii weerarka kusoo qaaday degmada Waajid.
Weerarka ka dhacay degmada Waajid ayaa kusoo beegmaya xili shalay Xoogag katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka deynuunaay, halkaasi oo ciidanka dowladda ay isaga baxeen kadib markii ay ka war heleen iney kusoo wajahan yihiin Al-shabaab, sida afhayeenka koofur galbeed uu xaqiijiyay.

