Maxaa Ku Soo Kordhay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Baydhabo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo sakay ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Dagaalyahano katirsan Al-shabaab ayaa la sheegay iney weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada daraawiisha koofur galbeed ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo  ee xarunta gobalka Baay.

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan, inkastoo aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, balse maamulka koofur galbeed iyo Al-shababaab kii weerarka ahaa oo ka wada hadlay dagaalka ayaa dhanba dhanka guulo ka sheegtay dagaalka ka dhacay saldhig ciidanka koofur galbeed ay leeyihiin duleedka Baydhabo.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan halkaasi ay ka hortageen weerar ay soo qorsheeyeen Alshabaab,kadib markii ay ka war heleen macluumaad ku saabsan dhaq dhaqaaqa ciidanka Al-shabaab oo doonayay iney weerar ku qaadaan deegaanka Deynuunaay ee gobalka Baay.

Nuuradiin Yuusuf Abuukar  oo wax laga weydiyay wararka sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka deynuunaay ayaa sheegay in ciidanka ay ka war heleen xog ku aadan in Al-shabaab ay weerar kusoo yihiin deegaanka, sidaasina ciidankii xeelad dagaal ahaan ay isga baxeen deegaanka,balse dib ay ugu soo laabteen ciidanka iyaga oo weerar ku ah xoogagii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Dhanka kale war kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa looga hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka deynuunaay ee duleedka magaalada baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka koofur galbeed.

Al-shabaab ayaa sheegtay iney  gacanta ku dhigeen saldhig ciidanka daraawiishta koofur galbeed ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo, halkaasina ay kala baxeen saanad ciidan oo ay ticmalayeen ciidamadii koofur galbeed ee saldhiga ku sugnaa, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xoogaga Al-shabaab.

Ilo madax banaan ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa sadax askari oo katirsanaa ciidamada maamulka koofur galbeed ee ka howlgali jiray deegaano duleedka kaga beegan magaalada Baydhabo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here