Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Shirkii Golaha Amniga Qaranka “Akhriso”

0

Dowladaha Taageera Soomaaliya ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii magaalada Baydhabo ay ku yeesheen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwa Dowlada Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee Soomaaliya.

Wadamada Mareykanka,Midowga Afrika,Yurub, IGAD, Ethiopia,Talyaaniga,Norway, Sweden, iyo Dowladda Biritain ayaa si wada jir ah u sheegay in ay taageerayaan go’aankii ka soo baxay shirkii amniga ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in ay siweyn ula dhacsan yihiin go’aanadaasi oo isugu jiray kuwo quseeyey amniga guud ee dalka,dhanka siyaasadda dib u dhiska iyo doorashooyin ka dhaca dalka sanadka 2020.

Beesha caalamka ayaa ku boorisay dhinacyada heshiiskaasi gaaray,waa dowladda Soomaaliya,dowlada goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in ay dedejiyaan sidii loo hirgelin lahaa waxyabihii lagu heshiyay,islamarkaana la dhameystiro geedi socodka dib u eegista Dastuurka,loona diyaar garoobo shirka dhawaan ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here