Maxey Tahay Sababta Ka Danbeysa Wadooyinka Muqdisho Oo Maanta Xiran (Sawirro)

0

Laamaha Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xirey malintii sadaxaad qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ee magaalada muqdisho.

Shacabka muqdisho ayaa sakay kusoo toosay Ciidamadda amaanka dowladda oo maalintii 3-aad u xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, kuwaa oo u diidayay gaadiidka iney maraan Isgoysyada sido kale waxaa ganacsatada ay maalayeen cagtooda kuwaa oo aadayay goobahooda ganacsi maadaama aynan jirin gadiidka PL-ka loo yaqaan oo ka shaqeynaya wadooyinka muhiimka ee magaalada muqdisho.

Qaar kamid ah ganacsata muqdisho ayaa Idaacada Simaba u sheegayay iney saakay xiran yihiin Isgoysyada Isgoysyada Tarabuunka, Howlwadaag, Wadada Maka Al-Mukarama iyo wadooyin kale o gala aagaga madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyo xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Isgoysyadaan waxaa lagu arkayaa ciidamadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed, iyo kuwa Booliska oo shacabka iyo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas.

Saraakiisha ciidamada amaanka Soomaaliya oo Idaacada Simba ay la xiriirtay ayaa sheegay in wadooyinkaasi maanta loo xiray sugida amniga muqdisho, sida saraakiishu ay Simba xaqiijiyeen.

Wadooyinka ayaa maal mahii ugu danbeeyay u xirnaa khilafka u dhaxeeya hogaanka Baarlamaanka iyo  xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Raisal Wasaare Khayre Xasan Cali Khayre.

Balse sababta rasmiga ee ka danbeysa xiritaanka maanta wadooyinka ayaa lagu sheegay iney tahay, tartan ay soo qaban qaabisay  Wasaaradda Dhalinyarah iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya, oo maanta lagu qabanayo magaalada muqdisho, sida ay Simba ay u sheegeen Xubno katirsan wasaarada Sportiga.

Halka hoose ka  Sawirrada Daawo Tartanka Orodka gaaban oo ay soo qabaan qaabisay Wasaaradda Dhalinyarah iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya………..

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here