Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya iney qarax miino kula kacday Hal Qoys iyo dad kale oo ka ag dhawaa duleedka degmadaasi.
Qaraxa miino ayaa la sheegay inuu ka dhacay wadada xiriirisa Degmooyinka Buq-Aqable iyo Magaalada Buulo Burde ee gobalka hiiraan, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan halkaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay 7 ruux oo shan ka mid ah dadkaasi ay ahayeen hal qoys, halka labada kale, mid kamid ahaa wali la la yahay hilbha jirkiisa oo hawada sare ku milmay, sida Idaacada Simba ay u xaqiijiyeen goobjoogayaal aan sidaa ka fogeyn halka qaraxa miino ay kula kacday dadkasi rayidka ahaa.
Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Buulo Burde Cabdullahi bare oo la hadlay Idaacad Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dad shacab ahaa, oo ka koobnaa hal qoys ay miino kula qaraxday tuulo 7-KM meel dhanka galbeed kaga beegan magaalada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan.
Cabdullahi bare oo sii hadlayay ayaa sheegay qoyska ay miinada la qaraxday iney isticmalayeen gaari dameer ay ku wadeen caruur uu soo ritay, cudurka jadeecada , sida uu Taliyaha Radio Simba u sheegay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in lagu guda jiro aaska dadkaasi oo u badnaa hal qoys sida Simba ay u sheegeen dadka deegaanka, waxaa sido kale goobta gaaray Sarakiil katirsan Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanada iyo degmooyinka gobalka Hiiraan.
Wadada xiriirisa Degmooyinka Buq-Aqable iyo Magaalada Buulo Burde ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay qaraxyo inta badan lala beegsaday gadiidka ay isticmalaan ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyo kuwa Amisom ee ka howlgala deegaanada iyo degmooyinka gobalka Hiiraan.





