Midowga Afrika oo Ciidamadda AMISOM Ku Amaanay Jabka ay Gaarsiiyeen Al-shabaab

0

Matalaha Madaxwaynaha midowga Afrika, ahna madaxa ciidamada Amisom Francisco Madeira, ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom, qaabkii ay  iskaga difaaceen xarakada Al-Shabaab oo shalay weeraray fariisimo ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Hoose.

Francisco Madeira, ayaa yiri Ciidamadeenu waxa ay u dagaalameen si adag waxa ayna ku guulaysteen in ay iska caabiyaan xarakada Al-Shabaab oo weeraro ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada Amisom ku lahaayeen  Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Afhayeen u hadlay ciidamada Amisom, ayaa sheegay in weerarkii shalay ay Al-Shabaab kaga dileen ku dhawaas 30 askari, asagoona intaasi sii raaciyay in ay ka gubeen 8 Baabuur oo laba kamid ah ay saarnaayeen waxyaabo qarxa kuwaas oo ay wateen xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale Afhayeenka xaraka Al-Shbaab Sheekh Cabdul Casiis Abuu Muscab, ayaa Tv’ga Al-Jazeera u sheegay in dhankooda ay ka dhimatay 14 ruux, halka uu ku sheegay Askarta Amisom ay weerarkaas kaga dileen in ay gaarayaan 59 Askari oo u badan ciidamada Uganda, wallow Amisom ay sheegteen in weerarkaas ay kaga geeriyoon 4 askari iyo dhaawca 6 kale.

Weerarada xarakada Al-Shabaab, ay la beegsanayeen fariisimaha ciidamada Amisom, ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay sii xoogeystay ayadoona la ogsoon yahay in weerarkii xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen horaantii bishii Maarso Degmada Balcad ay ku sheegteen in ay ku dileen illaa iyo 60 asakari oo Amisom katirsanaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here