Deg Deg: Dad ku Dhintay Guri Dhisme ka Socday Muqdisho “Sawirro”

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dhismo ku dumay shaqaalo ka dhaqeynayay, oo ku yaal Shineemo hore Ekwadoor ee KM-4, magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay waxaa geeriyooday sadax ruux ayaa geeriyootay halka sideed kale ay yihiin dhaawac kuwaasi oo intooda badan ahaa shaqaalo ay la duntay caro ay ku dhisayeen Ex shineemo Ekwatoor.

Qaar kamid ah shaqaalaha Idaacada Simba oo ku sugan goobta uu ku dhumay dabaqa dhismaha lagu waday ayaa inoo xaqiijiyay geerida shaqaalahaasi, waxeyna inoo sheegeen iney socdaan dadaalo lagu baadi goobayo shaqaale wali lagu la yahay dhismaha Shineemo hore Ekwadoor ee KM-4 Muqdisho.

Xiriiro war qabadka Idaacada Simba uu la sameeyay maamulka degmada hodan si uu wax kaga weydiyo waxa dhacay, iyo sababa ka dhanbeeya dhismaha laga dhisayay Ex shineemo Ekwatoor  ee soo dumay.

Waxii kusoo Kordha Waan Idinla Wadaagi Doonaa………..

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here