War goordhaw naga soo gaaray Xerada Saban-saban ayaa sheegaya in uu halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo katirsan dowladda oo u dagaalamaya qaab maleeshiyo beeleed ahaan.
Mid kamid ah dadka xaafadda ayaa Idaacadda Simba u sheegay in dagaalka uu si gaar ah kaga socdo Xerada Saban-saban ee agagaarka deegaanka Haanta Dheer ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada dagaalamaya ayaa la sheegay iney u dirirayaan qaab qabiil, maadama ay kala taabacsan yihiin beelo walaala ah oo ku wada dhaqan xaafado katirsan degmooyinka gobalka banaadir.
Xiriiro kala duwan oo war qabadka Idaacada Simba uu la sameeyay saraakiisha ciidama dowladda ayaa sheegay iney wadaan dadaalo xoogan oo lagu kala dhax galayo ciidamada dowladda ee u diraraya qaab qabiil ahanta ee maanta isku haya Xerada Saban-saban ilaa kuliyada jaalla siyad ee magalada muqdisho.
Ilaa iminka lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda ee u dagaalamaya qaab qabiil, ilaa iminkana lama oga sababta rasmiga ee ka danbeeysa dagaalka.
Waxii kusoo kordha kala Soco WWW.SimbaNews.Com

