Mucjiso:- Guryo Dabaqyo Ah iyo Masaajido Minaarado Leh oo Dul Maray Duleedka Jalalaqsi “Dhageyso”

0

Waxaa maanta laga hadal hayaa gudaha degmada Jalalaqsi ee gobalka hiiraan, mucjiso dad badan ay ka dhaadhici la dahay taasi oo dadka ku dhaqan tuulada qoryaale ay ku sheegeen iney arkeen dhismo guryo Dabaqyo ah iyo masajido minaarado leh oo dul maraya tuulada oo dhacda duleedka degmada Jalalaqsi.

Dadka ku dhaqan tuulada qoryaale oo 18 KM u jirta degmada Jalalaqsi oo lasoo xiriiray Idaacada Simba ayaa sheegay iney arkeen culimada duqoyda dhalinyarada deegaanka guryo iyo masaajido leerar ay ka shidan yihiin oo dul maraya tuulada qoryaale oo dhacda tuulooyinka hoos yimaada degmada Jalalaqsi.

Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada jalalaqsi Faarax Aadan gaafoow oo wareysi gaar ah siiyay war qabadka Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay mucjisada lagu arkay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobalka hiiraan, taliyaha ayaa sido kale sheegay iney dadka deegaanka lasoo xiriireen taliska ciidamada dowladda ee gobalka hiiraan arintaasina ay u xaqiijiyeen.

Halka Hoose Ka Dhageyso Wareysiga uu Radio Simba Siiyay Taliyaha Ciidanka ee Jalalaqsi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here