Daawo Sawiradda:- Askar Lagu Soo Bandhigay Degmada Aadan Yabaal

0
Nuur yuusuf cali , Maxamed axmed raage iyo Nuur maxamed axmed

Xarakada Al-Shabaab ayaa degmada Aadan yabaal ee gobalka shabeelaha dhexe ku soo bandhigay askar ay sheegeen iney kamid ahayeen ciidamada dowladda Somaaliya, kuwaa oo dhankooda isku soo dhiibay.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa baahisay codadka iyo sawirada askar ay sheegtay Al-shabaab iney dhankooda isku soo dhiibeen kuwaa oo kamid ahaa ciidamada dowladda soomaaliya gaar ahaan askarta  ka howlgasha deegaanada iyo degmooyinka gobalka shabeelaha dhexe.

Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho oo ay la xiriirtay Sarakiisha ciidamada Maamulka gobalka shabeelaha dhexe ayaa ka gaabsaday iney ka war bixiyaan askartaan sadaxda ah ee Al-shabaab sheegeen iney isku soo dhiibeen, kana mid ahaan jireen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wareysi ay la yeelatay Warbaahinta Xarakada Al-shabaab qaar kamid ah askarta la sheegay iney isku dhibeen dhanka xogaga Alqaacidda ee Soomaaliya ayaa waxa hadaladooda kamid ahaa askartaasi.

“Magaceygu waa Nuur yuusuf cali, waxaa kamid ahaa ciidama dowladda ee ka howlgali jiray gobalka shabeellaha dhaxe, hada alxamdullah waxaa go’aan saday inaan ku biiro Al-shabaab” ayuu yiri Nuur yuusuf oo kamid ah askarta dowladda ee Al-shabaab ay sheegeen iney isku soo dhibeen dhankooda.

Wareysiga warbaahinta ku hadasha afka Xarakada Al-shabaab  ay la yeelatay askartaasi oo dhinacyo badan taabanayay ayaa sido kale waxaa kamid ahaa raga ka hadlay goobta lagu soo bandhigayay askarta, Maxamed axmed raage iyo Nuur maxamed axmed oo labaduba Al-shabaab ay sheegtay iney kamid ahayeen ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa ka howlgala gobalka shabeellaha dhaxe.

“Hada waan is kaga soo tagnay ciidmadii kale ee aan katirsanaan jirnay, soo dhaweyn ayaana ka helnay Al-shabaab, waxaan ugu baaqeynaa askarta kale iney iska daayaan ka bar bar dagaalanka askarta ajaaninta ee ka howlgasha gudaha Soomaaliya”, ayaa kamid ahaa hadalada wareysiga laga qaaday.

Majirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo xaqiijin karta iney kamid ahayeen askartaasi ciidamada dowladda soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanada iyo degmooyinka gobalka sh/dhaxe.

Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobalka shabeellaha dhaxe oo ku aadan askarta sadaxda ah ee Al-shabaab ay soo bandhigeen, balse xiriiro kala duwan uu war qabadka Radio Simba la sameeyay mas’uuliyiinta maamulkaasi ayaa suura galin.

Halka Hoose ka Daawo Sawirada Sadaxda Askari ee Al-shabaab Ay Soo Bandhigeen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here