Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa maanta xiray dhaq dhaqaaqii guud Ee qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah iyo kuwa kale ee dhax mara degmooyinka gobalka banaadir.
Qaar kamid ah ganacsata muqdisho ayaa Idaacada Simaba u sheegay iney maanta xiran yihiin Isgoysyada Dabka, Foloransa, Bakaaraha, howlwadaag, ilaa iyo Isgoysyada Digfeer, KPP, shacabka iyo gadiidkana aysan ciidama dowladda Soomaaliya, u ogoleen iney isticmalaan wadooyinkaasi xiran.
Isgoysyadaan waxaa lagu arkayaa ciidamadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed, iyo kuwa Booliska oo shacabka iyo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas maanta xiran.
Saraakiisha ciidamada amaanka Soomaaliya oo Idaacada Simba ay la xiriirtay ayaa sheegay in wadooyinkaasi maanta loo xiray sugida amniga muqdisho, sida saraakiishu ay Simba xaqiijiyeen.
Sababta ka danbeysa xeritaanka wadooyinka magaalada muqdisho ayaa waxey tahay in maanta uu dib ugu laabanayo xarunta wasaarada Gaashaandhiga madaxweynah Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, halkaasi uu maanta kulamo kula qaadan doono sarakiisha Da’da yar ee ciidanka xooga dalka.
Kulanka ayaa waxaa sido kale ka qeyb galaya Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Gorod iyo Saraakiisha ciidamada Millitariga.
Wadooyinka xiran ee magaalada muqdisho ayaa waxey kusoo beeg mayan xili maal mahii ugu danbeeyay dhanka amaanka magaalada muqdisho uu ahaa mid faraha kasii baxayay, maadama ay dhacayeen qaraxyo fara badan oo loo adeeg sanayay gadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

