War Ka Soo Baxay Dagaal ka Dhacay Degmada Baraawe

0
Ciidamo katirsan kuwa Amisom Gaar Ahaan Ciidamada Dowladda Ugandha

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday fariisimo ciidama Amisom ay ku leeyihiin degmada baraawe ee xarunta rasmiga ah ee maamulka gobaleedka koofur galbeed.

Dadka deegaanka ayaa Simba u xaqiijiyay jiritaanka dagaalkaasi, waxeyna inoo sheegeen in weerarkaasi la isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan. Lakin aysan garan Karin khasaaraha ka dhashay.

Maamulka degmada baraawe oo xiriiro kala duwan ay la sameysay Idaacada Simba gaar ahaan gudoomiyaha degmadaasi, ayaa ka gaabsaday iney inooga war bixiyaan sida wax ay u dhaceen, iyo inuu jiro khasaare kala gaaray xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada Amisom ee weerarka la lagu qaaday.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar khasaare dhaliyay ay ku qaadeen saldhig ciidanka Ugandha ay ku leeyihiin Buurta Ateenooyinka ee degmada Baraawe ee gobalka sh/hoose, waxeyna shabaab sheegeen inuu dagaalkaasi khasaare xoogan oo ka dhashay, sida loo dhigay warar lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Dagaalyahanada Alqaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan weeraradaasi ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan maamulka degmada baraawe iyo ciidamada Amisom ay sameynayaan howlgalo xoogan oo ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay weerarka khasaaraha dhaliyay ee lagu qaaday Buurta Ateenooyinka ee degmada Baraawe ee gobalka shabeellaha hoose, oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamo katirsan dowladda ugandha.

Ma ahan markii ugu horeysay ee weeraro noocaan oo kala ah lagu qaado degmada baraawe. Dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ayaa weerar la mid ah weerarkaan lagu qaaday fariisimo ciidama Amisom ay ku leeyihiin Buurta Ateenooyinka ee degmada Baraawe ee gobalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here