Toogasho ka Dhacday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

0

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dabley ku hubeysan bastoolado ay magaalada Boosaaso, ku dileen sarkaal katirsanaa Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland.

Goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay inuu jiro dilka sarkaalkaasi, waxeyna intaasi ku dareen in sarkaalka uu katirsanaa sarakiisha sirdoonka dowlad  gobaleedka Puntland.

Xiriiro kala duwan oo warqabadka Radio Simba la sameeyay Sarakiisha Sirdoonka Puntland ayaa xaqiijiyay dilka sarkaalka oo magaciisa lagu soo koobay Shiine kana tirsanaa saraakiisha sirdoonka dowlad gobaleedka Puntland, oo maanta rag hubeysan ay ku dhax dileen bartamada Boosaaso.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa durba dusha loogu ritay mas’uuliyada dilka sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay shine, kana tirsanaa sarakiisha Sirdoonka maamul gobaleedka Puntland.

“Ciidama gaarka Al-shabaab ayaa qeybaha sare ee jirkiisa ka toogtay sarkaalka lagu magacaabi jiray shiine,  waxuu kamid ahaa saraaakiisha sirdoonka Puntland” ayaa lagu yiri warka kaso baxay Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in ciidama amaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen ilaa 5 ruux oo lala xiriirinayo iney gacan saar la leeyihiin ama ka danbeeyeen dilka sarkaalka katirsanaa saraakiisha sirdoonka maamulka Puntland.

Al-shabaab qeybtooda ka dagaalama buuraha goolis ayaa waxey inta badan dusha u ritaan weerarada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here