Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya labo qarax oo ka kala dhacay Xaafada Oodweyne ee degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir iyo laamiga Warshadaha.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Xaafada Oodweyne gaar ahaan meel ku dhaw xarun Ciidamada Nabad sugida halkaasi ku leeyihiin, waxaana qaraxan lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.
Qaraxa koowaad ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Gudoomiyihii Laanta Dibiley ee degmada Dayniile Cabdi Fitaax Bille Macalin iyo qof kale oo shacab ahaa oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay.
Sidoo kale waxaa qaraxa koowaad ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo labo kamid ah la sheegay in ay yihiin ciidamo katirsan kuwa dowladda halka qofka saddexaad ay aheyd haweeney shacab ah oo mareysay halka uu qaraxu ka dhacay
Dhinaca kale Qarax Miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa ka dhacay Laamiga Warshadaha gaar ahaan meel ku dhaw Jaamacada Simad.
Goobta ay qaraxayadda ka dhaceen waxaa gaaray Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida Soomaaliya.

