War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Qaraxaan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Laamiga jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Jaamacada Simad.

Mas’uul ka Tirsan maamulka Degmada Dayniile ayaa simba u sheegay in qaraxu uu dhacay, wuxuuna hadalkiisa ku daray in ay wadaan baaritaano.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha qaraxa.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here