Al-shabaab oo Sheegay In Ay Dileen Taliye Ka Tirsanaa Ciidamadda Booliska Soomaliya

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo siyaabo kala duwan maanta kaga dhacay gudaha Dagmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Odweyne ee degmada Dayniile Waxaana lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaraxa oo lagu aasay Wado ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 6 qof oo 4 kamid ah ay yihiin askartii saarnaa Gaariga Qaraxa lala beegsaday ayaa goobta ku geeriyooday 2 qof oo shacab ahaana sidoo kale way ku dhaawacmeen.

Goob-jooge ku sugnaa Goobta uu qaraxa  kowaad ka dhacay ayaa Radio simba uga waramay sida ay Wax ay u dhaceen.

Dhinaca kale Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah Waxaana uu ka dhacay Warshada Biyaha Caafi oo ku taalla Wadada Warshada,iyada oo asyan jirin wax khasaaraha ah oo ka dhashay qaraxaas.

Al-shabaab ayaa baraha ay internetka ku leeyihiin ku sheegtay Ma’suuliyada Qaraxyadii ka dhacay Dagmada Dayniile.

Al-shabaab Waxa ay sheegeen in Qaraxii ka dhacay Oodweyne ay ku dileen Taliyihii Deegaanka Tiida ee xaafada Odweyne.

Taliyaha ay shabaabku ay sheegen in ay ku dileen Qaraxa ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Fitaax Barre Mucalim.

Moqdisho Labo isbuuc Gudahood Waxaa ka dhacay 5 qarax oo Geestay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo Dhaawac Waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxda Dalka ay ku Mashquulsan yihiin Mooshin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here