Aadan Dualle oo Ka Dalbaday Kenya in ay Wax Ka Qabato Xaaladda Wax barasho ee W-Bari.

0

Xilibaan Aadan Duale oo ah xilibaan laga soo doorto gobolka waqooyi bari dalka Kenya ayaa si adag uga horyimid qorshaha ay guddiga macalimiinta Kenya ay uga saareen Macalimiinta aanan u dhalanin deegaanada waqooyi bari.

Bil ka hor ayay ahayd markii qaar katirsan xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada wajeer ee gobolka waqooyi dalka Kenya gaar ahaan iskuulka lagu magacaabo Qarsa, halkaas oo ay ku dileen illaa iyo 3 macalin oo wax ka dhigayay iskuulkaas.

Tan iyo waqtigaas wixii ka dambeeyay Macalimiinta ka hawlgasho deegaanada gobolka waqooyi bari ayaa dalbanayay in halkaasi laga saaro loona wareejiyo goobo ka amaan badan deegaanada iyo degmooyinka ay inta badan Al-Shabaab weerarada ku soo qaadaan.

Waxaan rabaa in aan u cadeeyo guddiga macalimiinta Kenya haddii markasta oo ay dhibaato dhacdo ay macalimiintu dalbanayaan in lawareejiyo, haddana guddigu rabaan in macalimiin kale ay ku soo badalaan maahan wax ay aqbali karaan bulshadeena soomaalida ah ayuu yiri xilibaan Aadan Dualle.

Bulshada dagan Degmada Wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa dhigayay dibad baxyo waa wayn oo ay kaga soo horjeedaan go’aanka macalimiinta looga saarayo deegaankaas kadib markii guddiga macalimiinta ay sheegeen in ay wareejinayaan dhamaan macalimiinta aanan u dhalanin deegaanada waqooyi bari, taas oo ay si adag uga hor yimaadeen soomaalida ku sugan gobolka waqooyi bari.

Dowladda Kenya gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ayaa dhawr jeer ku cel celisay in wax muuqdo ka qaban doonaan amni darada baahsan ee ka jirta goobaha waxbarashada ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

Xilibaan Aadan Duale oo ah xilibaan laga soo doorto Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa ugu baaqay in dowladda Kenya ay ahmiyad gooni ah siiso waxbarashada Gobolka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here