Al-shabaab Oo Si Layaab Leh Ugu Hadashay War kasoo Baxay Dowladda Soomaaliya “Warbixin”

0

Hadal heynta ugu badan dhanka warbaahinta magaalada muqdisho ayaa waxey aheyd maanta war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay iney isku soo dhiibeen hogaamiyaal sar sare oo katirsan Al-shabaab gaar ahaan gudoomiyaal xarakada u qaabilsanaa gobaladda Gedo iyo Baay.

Wareysi lagu baahiyay Warbaahinta dowladda oo laga qaaday shaqsi lagu sheegay inuu yahay sheikh Macalin Geedoow Aadan Abuukar, oo ah gudoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan gobalka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hogaamiye Macalin Geedoow uu aqbalay baqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa inay Al-shabaab isaga soo baxaan Hogaamiyaasha iyo askarta ka barbar dagaalama, si ay cafis ugu fidiso dowlada uu hogaamiyo farmajo.

Xiriiro kala duwan oo Idaacada Simba ay la sameysay Madaxda maamulka koofur galbeed iyo afayeenka wasaarada amniga soomaaliya ayaa intaba waxey xaqiijiyeen wararka lagu baahiyay warbaahinta dowladda ee ahaa iney isa soo dhiibeen hogaamiyaashii xarakada u qaabilsanaa  gobalada Gedo & Baay.

“”Waa ay jiraan raga isa soo dhiibay, waxaa ka codsaneynaa iney warbaahinta naga war sugaan, si aan usoo gaba gabeyno arimaha quseeya isoo dhiibitaanka gudoomiyaasha Al-shabaab ay u xilsaratay gobaladda Gedo iyo Baa””.  Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaarada amniga Soomaaliya

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa lagu beeniyay codka lagu baahiyay warbaahinta dowladda ee lagu sheegay inuu ahaa Macalin Geedoow Aadan Abuukar gudoomiyahooda ugu magacaaban G/Baay.

Al-shabaab ayaa sheegtay iney bad qabaan labada hogaamiye ee dowladda Soomaaliya ku sheegtay iney isa soo dhibeen iyaga iyo ciidamo la socday,balse Al-shabaab ayaa sheegtay inuu bad qabo gudoomiyaha gobalada Baay Iyo sheikh Macalin Geedoow Aadan Abuukar iyo dhigiisa Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow.

Bayaanka kasoo baxay Al-shabaab ayaa sido kale waxaa lagu sheegay in Macalin Geedoow Aadan Abuukar gudoomiyaha u qabilsan Xarakada Gobaladda Baay Iyo Bakool in uu ku sugan yahay duleedka magaalada baydhabo halkaasi oo uu maanta uga qeyb galay xaflad ka dhacday deegaano katirsan Baay.

Warbaahinta gudaha ayaa waxa ay ka dhuur sugeysa dowladda soomaaliya maadama ay sheegay inuu isa soo dhiibeen Gudoomiyihii  Al-shabaab ugu magacaawnaa Gobolka Baay Macalin Geedoow Aadan Abuukar iyo dhigiisa gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here