Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladd gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxey gudoomiye ku xegeenka Arimha bulshada degmada Degmada Gamboole ee maamulkaasi, u magacawday wiil 17 sano jir ah.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Gamboole Faysal Cabdullahu Cumar oo wareysi siiyay Warbaahinta Magaalada muqdisho, ayaa ka warbixyay sida uu ugu faraxsan yahay xilka loo magacabay isaga 17 jir ah dad badana ay is weydiinayan sababta ka danbeysa xilkaa loo magacaabay.
Waalidkeyga ayaa ii keenay warqada leygu magacabay xilka, mana awoodo inaan qabto xilkaasi” ayuu yiri Faysal Cabdullahu oo loo magacaabay xilka Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole.
Faysal Cabdullahu Cumar oo ah wiilka loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Gamboole oo sii hadlayay ayaa waxaa uu yiri.
“Waxaan dhigtaa iskuul fasalka 4aad, waxaa hada isku diyaarinayaa Imtixaanka Guud ee Iskuulka, ma awoodo inaan xilkaasi qabto sababo amni darted, leylama tashan waxna leyguma soo war galin waalidkeyga ayaa ii keenay lee warqada xil magacaabisteyda ” ayuu yiri Faysal Cabdullahu Cumar.
Waxaa magaalada jowhar laga hadal hayaa layaabka ka dhashay in wiil 17 jir ah loo magacaabay xilka Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe, magacaabista kadibna uu isaga uga hor yimid, sababo Amnig iyo wax la tashi ah oo an lala sameyn.

