Ciidamo Ka Tirsan Dowladda oo Howlgalo ka Wada Duleedka Muqdisho

0

Ciidama amaanka dowladda Soomaaliya ayaa sakay waxey howlgalo balaaran ka wadaan deegaanka tabeelaha ee duleedka magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa fulinaya Ciidama Booliska iyo kuwa Nabad Sugida Sirdoonka Soomaaliya, dadka deegaanka ayaa Radio Simba u sheegay iney arkayaan ciidamo fara badan oo sameynaya howlgalo ay guri guri ugu galayaan xaafada deegaanka tabeelaha ee magaalada caasimada ah ee muqdisho.

Saraakiil katirsan ciidama dowladda oo xiriiro ay la sameysay idaacada Simba ayaa sheegay inuu jiro howlgalkaasi, laguna soo qabtay rag looga shakisan yahay iney katirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeyay ayaa ku waramaya in wali ciidama howlgalka ay ka wadaan deegaanka tabeelaha ee duleedka magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxii Kusoo Kordha Howlgalkaasi Kala Soco WWW.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here