Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa maanta Xaruntooda ay ku leeyihiin Muqdisho waxa ay ku yeelanayaan Kula ay kaga doodayaa Xeerkii dalka oo idil looga mamnuucay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka iskutaga imaaraadka Carabta.
Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayay shalay aheyd in ay ka doodaan Sharcigaas balse ma aysan suura galin,Waxaana xildhibaanada shalay loo qeybiyay sharciga, iyadoona lagu Amray in ay soo aqriyaan Kadibna maanta ay ka doodaan.
Sharciga ayaa loogu magacdaray Xeerka dhowrida Gobanimada iyo midnimada gayiga Soomaaliyeed oo 12-kii bishaan kasoo gudbay Golaha Shacabka.
Sharcigaan hadii ay ansixiyaan Xildhibaanada Baarlamanka Golaha Aqalka sare ee Dalka ayaa Kadib Waxaa uu u tagi doonaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo,iyadoona Madaxweynaha Lagarabo in uu saxiixo.

