Maamulka Xudur oo Ka Hadlay Qorshe ay Al-shabaab ay La Damacsan Yihiin+Dhageyso

0

Iyadoo shalay Ciidamadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Iyo Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya  ay weerar kula wareegeen Tuulo ku taalo Duleedka Dagmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxaa Maamulka Dagmada ay sheegen in ay wadaan Qorshayaal Al-shabaab Looga saarayo Degaanada Hoos-yimaado Dagmada Xudur ee ay gacanta Ku hayaan Al-shabaab.

Godoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marar badan ay isku dayeen in qorshahaas uu u hir-galo balse gudoomiyaha ayaa tilmaamay in uu Maamulka haatan ka go’an yahay Sidii deegaanada iyo Tuulooyinka hoos-yimaad Dagmada Xudur ee Gobolka Bakool looga saari lahaa Al-shabaab oo intooda badan gacanta Ku haya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here