Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dalka ay ku soo duuleen ajaaniib ka kala yimid qaaradaha Asia iyo Afrika kuwaasi oo Soomaaliya kawada qalalaaso dhanka amniga ah iyo dhibaatooyin kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Ciidamada Dowladda ugu baaqay inay fuliyaan Weeraro dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-shabaab ee ku sugan Gobalada kala duwan ee dalka.
Farmaajo ayaa sheegay in Ajaaniibta dalka ku soo duushay ay mudan yihiin in tilaabo deg deg ah in laga qaado ciidamada waxa uu sheegay in looga baahan yahay in taxadar dheeraad ah sameeyaan .

