Ilaalada Madaxtooyada Oo Muqdisho Ku Rasaaseyay Gaari Aan Xabbadu Karin “Sawirro”

0

Ciidamo katirsan kuwa amaanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray meel ku dhaw isgooska Sayidka maadaama maanta uu fadhi leeyahay Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidanka ayaa waxey gadiidka galiyeen safaf dhaadheer si ay u baaran, gaari kuwa aan xabadda karin ah ayaa ku yimid halkii wax lagu hubinayay waxaana halkaas ka dhashay kala shaki ciidama hegan ku galen.

Saraakiisha ciidama ee joogay koontaroolka ayaa ciidama ku amray iney gaariga joojiyaan lkn waa uu ka biya diiday waxa ayna ka fadhiisiyeen taayarada, kadib markii ay la dhaceen rasaas nuuca laga rido qoryaha saran gawaarida soomaalida ay u taqaan Cabi bilaha.

Gaariga darawalkii wuu diiday in uu furo albaabka inta xabadaha ay ku socdeen iyo kadib waxa uuna hadda yaal meel ku dhow isgooska Sayidka ee Magaalada muqdisho.

Waxii kusoo kordha waan idinla soo wadaagi doonaa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here